Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Dawlada Soomaaliya oo Qorsheyneysa Inay Gasho 30 Heshiis oo Shidaal Baaris ah (Warbixin)

$
0
0

Nairobi (RBC) Dawlada Federaalka Soomaaliya ayaa qorsheysa inay heshiisyo gaaraya 30 ay la gasho shirkado waaweyn oo dhanka shidaal baarista ah, sida uu xaqiijiyey Xuseen Cali Axmed oo ah madaxa shirkad dawladu leedahay oo lagu magacaabo Somali Petroleum Corp. oo fadhigeedu yahay magaalada Muqdisho.

Wareysi Xuseen Cali Axmed lagula yeeshay magaalada Nairobi bishan April 18-keedii ayuu ku sheegay in dawlada Soomaaliya ay u yeertay shirkadihii waaweynaa ee xilligii dawladii Maxamed Siyaad Barre shidaal baarista ka waday gudaha dalka.

Shirkadaha horey baaritaanka uga waday Soomaaliya wixii ka horeeyay 1990-kii ee haddana dib loogu yeeray waxaa ka mid ah Royal Dutch Shell Plc (RDSA), Eni SpA (ENI), iyo shirkadda ConocoPhillips (C). Waxaana shirkadahan dawlada Soomaaliya ay u sheegtay inay rabto inay dib u soo celiso heshiisyadii ay kula jireen dawladii militariga ee burburtay sanadkii 1991-kii.

Sida uu sheegay Xuseen Cali Axmed shirkadaha badankood ay muujiyeen inay rabaan inay dib ugu laabtaan Soomaaliya si ay dib ugu bilaabaan hawlihii shidaal baarista ee ay ka wadeen Soomaaliya, hase yeeshee waxaan weli soo jawaabin shirkadda Chevron Corp. oo ah shirkad laga leeyahay wadanka Mareykanka.

Shabakada Fuelfix oo ka faaloota ganacsiga shidaalka ayaa qortay in Soomaaliya oo ka mid ah wadamada ugu horumarka liita adduunka, ay haddana leedahay keydad shidaal oo badan kuwaasoo aan weligood laga faa’ideysan.  Shabakada waxay sheegtay in wadamo ku yaalla gobolka oo ay ku jiraan Tansaaniya iyo Mosambiik laga helay keyd shidaal oo dhan 100 trillion cubic feet.

Dawlada cusub ee Soomaaliya ee la doortay bishii Sebtembar ee sanadkii hore waxay weli ku jirtaa dagaal ay kaga takhaluseyso kooxaha mayalka adag ee Al Shabaab iyadoo kaashaneysa ciidamada Afrikaanka ee nabad ilaalinta ee AMISOM.

Goobaha shidaalka laga baarayo

Sida uu sheegay agaasimaha shirkadda shidaalka Soomaaliya Xuseen Cali Axmed, dawlada Soomaaliya ayaa qorsheyneysa inay kordhiso dhulka laga baarayo shidaalka oo xilligii dawladii hore ahaa illaa 3,000 Sq. Km iyadoo hadda la filayo in dhul dhan illaa 5,000 Sq. Kiilomitir taasoo u dhiganta (1,931 square mayl).   Wuxuuse Xuseen sheegay in goobahan qaarkood midkiiba u gaari  karo illaa 200,000 sq. kilomitir.

“Waxaan rabnaa inaan usii kala qeybino goobaha shidaalka laga baari doono 25 qeybood, waayo aad ayey uga weyn yihiin hal shirkad kaliya inay qaadato” ayuu yiri wareysiga Xuseen lala yeeshay.

Shirkadda Shell oo kaliya waxay maamuli jirtay illaa shan goobood xilligii dawladii Maxamed Siyaad Barre.

“Dhulka Soomaaliya ee ku haboon in laga baaro shidaalka waxaa uu u dhigmaa saddex meelood meel ka mid ah dhulka Soomaaliya ee guud.” ayuu sii raaciyey.

Dawlada federaalka ayaa dooneysa inay dib u eegis ku sameyso sharciga shidaal baarista ee uu baarlamaankii ku-meelgaarka ahaa sameeyay sanadkii 2008.  Waxaana sida agaasimaha shirkadda Shidaalka Soomaaliya ee ay dawladu leedahay sheegay la filayaa in hawlaha diyaargarowga iyo sharci sameynta ay ku soo ebyoomaan bilo gudahood.

 Puntland iyo Somaliland

Inkastoo dawlada federaalka ay shaacisay qorshahan ay dib ugu soo celineyso shirkadihii heshiisyada kula jiray dawladii militariga ayaa haddana waxaa jira heshiisyo maamulada Puntland iyo Somaliland oo qeyb ka ah dhulka Soomaaliya ay la galeen shirkado cusub.

Ma cadda sida dawlada federaalka ay u aragto heshiisyadan dambe ee maamulada la galeen shirkadaha mudadii burburka dalku ku jiray.

 

RBC Radio
Xafiiska Wararka Nairobi

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles