Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madax ka socota Talyaaniga iyo Puntland oo xariga Ka jaray Idaacada Cusub (Sawirro) .

$
0
0

Garoowe (RBC RDIO) Waxaa Maanta Si rasmi ah Xariga looga jaray Idaacada Puntland taasi oo indhawaydba si tijaabo ah hawada ugu jirtay, Madaxweynaha Puntland ku xigeenkiisa iyo Masuuliyiin ka socotay 2da Gole oo ay wehliyaan Madax kale oo Talyaaniga ka tirsan ayaa ka qayb galay Xafladaasi, waxaana Madaxweynuhu uu Xariga ka jaray Idaacada Cusub iyagoo gudaha u galay Xarunta idaacada booqdayna Qolalka ay ka koobantahay idaacadu.

 

Madaxweyne Faroole oo hadalka ku horeeyey wuxuu sheegay in Maanta si rasmi ah Idaacada Dowlada ay u shaqa gashay xarigana looga jaray taasi oo looga maarmi doono buu yiri Baahiyo badan oo jira, wuxuu Dowlada Talyaaniga uga Mahadcelshay Dadaalka ay ugu jirto dib u dhiska Danaha Umada Puntland taariiqdana ay baal uga geli doonto waxay u qabteen Puntland.

“ Talyaanigu waa wadan aad u taageera dalkeena waxaan marqaati ka ahay in uu ahaa Wadan hanaan wanaag iyo nidaam toosan la jeclaa Dalka laakiin la fahmi waayay waxaanse  cadeynayaa Talyaanigu in uu inoo dhaamo wadamo badan wuxuu qabtayna ay ka muuqdaan Deegaanada Puntland, sida Xarunta kaluunka ee Eyl, Dhismaha idaacada iyo TVGa  dib u habaynta garoomada Puntland Qaarkood iyo Wadada Dheer ee isku xirta Gaalkacyo ilaa Bosaso oo si bilaash ah ku sameeyeen waagii nabada taasoo ah wax aan la ilaawi Karin , sidaana waxaa yiri Mudane faroole.

Calloto Wolf  oo ah Xoghaynta Safaarada Talyaaniga ee Soomaliya ee fadhigeedu yahay dalka Kenya ayaa Madasha ka aqrisay Qoraal uu soo diray Safiirka Tayaaniga u qaabilsan Dalka Somaliya oo ka cudurdaartay kasoo qayb galka Xafladan waxaana lagu sheegay qoraalka In Talyaanigu Hawlaha uu ka wado Puntland si tartiib ahba ha usocdeene in ay noqon doonaan Mid Mira dhal ah oo lagu Qanci doono, Calloto oo Qoraalka aqrineysa waxay sheegtay in Talyaanigu ka go’antahay Saacidaada Soomaaliya ayna jiraan Wax qabadyo kale oo ay Puntland ka wadaan iyagoo ku tilmaamay Farxad iyo rayn Rayn in si habsami leh ay usoo idlaato hawlihi laga waday Idaacada Maantana si toos ah Xariga looga jaray ayna ku xigi doonto dhawaan furitaanka Tvga Cusub.

 

Waxaa sidoo kale jirta Deeq Gaari  ah oo 15 kor u dhaafeysa oo Talyaanigu Puntland ku wareejiyay gawaaridaasi oo ah kuwa Ciidanka Waxaana furaha gawaaridaasi Gudoomay Madaxweyne Faroole oo  ay wehliyaan Taliyaha Ciidanka Booliiska Maxamed Sicid Jaqanaf iyo Saraakiil  Kale.

Iadaacadan ayaa noqoneysa tii ugu horeesay oo ay Puntland yeelato marka laga reebo Idaacada Radio Gaalkacyo oo ay mushaarkeeda bixiso Dowlada , waxaana la keenay Qalab Casri ah loona Sameeyey dhisme qurxoon Inkastoo wali aysan ka dhex muuqan Wariyeyaal Mug leh oo ay dowladu soo xulatay taasoo dad badan ay is weydiinayaan, waxaana Masuuliyiinta Dowlada oo uu ka mid yahay Afhayeenka Xukuumada Puntland (Libaax Joore) oo aanu Su’aashaasi weydiinay  inoo sheegay in ay dhawaan wariyeyaal qorandoonaan Hormarin Balaarannah la wado balse aan laga hordhicin.

 

RBC RADIO.

Xafiiska Wararka Garoowe.

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles