Sidee ayeey Bulshadu isu horumarin kartaa
Cabdixakiim Jaamac Jooje
saicentadv@yahoo.com
Abriil 21 2013
Marka hore mahad idilkeed waxaa iska leh Allaah subxaanalaahu watacaalaa, naxariis iyo nabadgelyana rasuulkeena ayeey korkiisa ahaatay. Intaas kadib dhammaan akhristayaasha sharafta iska lahow iga gudooma salaanta islaamka ah asalaamu caleykum Waraxmatulaahi Wabarakaat.
Dunidan aynu ku noolnahay markaad dib u eegto bulsho walboo meel degan inta baddan horumarkeedu waxa uu ku xiran yahay hadba bulshadaas siday iyadu isu dhisto ama ay uga qeyb qaadato horumarka dalkeeda iyo dadkeeda. Bulsho ma jirto hormartay illaa waxa ay qaaday tallaabooyin garsiin kara waxa ay ku hormartay. Siiba annaga ka bulsho islaam ah ahaan waxaa muhiim ah in aynu wax baddan qaadno waddooyinka noo horseedi kara horumarka iyo wanaaga kana fogaano midda noo horseedeysa xumaanta iyo dib u dhaca. Markaad dib u eegto dalkeena waxaa uu bur bur iyo jahwareer na heystay muddo aad iyo aad u dheer oo arimaheena maalinba maalinta ka danbeysa waa ay kasii dareysay. Waxa isweydiin leh maxaa inoogu wacan maxaa kalifay in la waayo koox isxilqaanta oo u duubata sidi dalkeena loo badbaadin lahaa. Haddaba bulshadu si ay isu horumariso waxaa muhiim ah in ay arimaha soo socda ku dhaqaaqdo, kana fogaato arimaha sidaas oo kale aynu hoos kaga hadli doono.
1- Allaah ka cabsi: – Bulshada muslimka ah waxaa muhiim ah in ay ka cabsato Allaahi abuurtay oo ay la timaado ujeedooyinkii loo abuuray ee aheyd cibaadada Allaah oo ay ilaaliso dhammaan tiirarka islaamka. Xaqiiqdii qofka haddii uusan ka baqeyn Allahi abuurtay horumar walboo uu sameeyo meel ma gaarayo. Marka si ay bulshadu danaheeda ugu hagaagaan waa in ay mar walbaa xasuustaan Allahi abuurtay.
2- Nabadgelyada: – xaqiiqdii bulsho aan amni heysan wey adag tahay sdiii ay wax u qabsan laheyd. Nabadgelyadu waa gogosha ummadda. Meel aan nabadgelyo ka jirin nolol kama jirto oo horumarna iska dhaaf warkiisa. Sida uu Abwaan Soomaaliyeed ee hore uu u yiri { Nabadaa naas la nuugo leh}. Xaqiiqdii bulshadu iyadaa ilaalin karta ammaankeeda, sida ay ku ilaalin kartaan waa iyadoo iska ilaaliso dulmiga, anshaxa xumida iyo bulshada ku dhex nool oo ay qadariso.
3- Aqoonta: – bulshadu waa in ay ku dadaasha sidi ay aqoonteeda u hormarin laheyd oo ay si wadajir ah uga qeyb qaadan lahaayeen barnaamijyada lagu horumarinaya waxbarashada deegaanada ay ku nool yihiin. Waa inaad si wadajir ah mar walbaa u raadisaan sida loo hormarin lahaa waxbarashada ubadkiina iyo tiinaba. Mar walboo ay aqoontu hormarto bulshadaas wax baddan baa u siyaadaya. Sidoo kale ku dadaal inaad ubadka aan heysan cid wax bartaa sidi aad u garab istaagi laheyd si uu Allaah uu ubadkaaga kuugu xafido. Sidoo kale ka fakar caruuraha agoomaha iyo kuwa la midka ahba.
4- Isku duubni iyo midnimo: – Bulshadu haddii ay isku duuban tahay oo ay mar walbaa midnimadeeda ka shaqeyso waxaa ay taasi sansaan u tahay horumar ay bulshadaas ku tilaabsato. Arintaas quraankeena wax baddan ayuu ka hadlay sida uu Allaah yiri { U qabsada xariga Alle si wadajir ah oo hakala tagina.} Ummad iskuduuban cid loodin kartaa ma jirto oo mar walbaa waxa ay qaataan aragti mideysan. Waxaa kaloo muhiim ah in ummaddaas ay wanaagana isugu gargaarto xumaantana iska qabato.
5- Sabarka iyo dulqaadka: – Diinteena wax baddan ayeey ka hadashay sabarka oo qofba qofka uu ka sabar baddan yahay Allaah ayaa arimihiisa u sahla oo u fududeeya. Marka bulshada Soomaaliyeed meel walboo ay joogto Ogaada sabarka waa arimaha horay u mariya bulshada ee ha leysu sabro.
6- Qiimeynta walaalkaaga wanaagsan: – ogoow mar walboo aad qiimeyso qofkaaga qadarinta mudan adiguna horay ayaad u mareysaa. Qofba qofka uu ka qadarin iyo ciseyn badan yahay isagana wuxuu helaa intaas in la’eg oo qadarin iyo ciseynba leh. Haddii lakala garan waayo qofkii sharafta mudnaa ee dadka iyo dalka had iyo jeer wanaaga u horseedayey iyo kan had iyo jeer lugooyada ummadda ka shaqeyn jiray , taasi waxa ay horseedeysaa bur bur iyo dib u dhac. Ogoow qofka sharafta leh deegaankuu doono haka yimaadee waa dhaxal aad adiga leedahay oo aad had iyo jeer ku faani karto. Tusaale yar oo kooban waxaa inoogu filan maalmihii ay socdeen ciyaarihii olombikada qofkii joogay UK ama ingiriiska wuu dareemi karayey magacii iyo wanaagii uu halyeey MO Farah u soo hoyey ummadda Soomaaliyeed iyo idaacadaha caalamiga oo idil laga lahaa wiilka asalkiisa uu soomaaliga yahay. Markaa lama sheegin reerka uu yahay laakiin inuu Soomaali yahay ayaa adduunkoo dhan qirayey. Bal qiyaasa inta magac iyo sharaf uu MO Farah usoo jiiday bulshada Soomaaliyeed meel walboo ay joogtaba. Haddaba ogoow qof walboo qiimo leh waa qofkaaga ee qadari oo weyneey si uu dalkaaga sharaf u yeesho, laakiin haddii qof walboo qiimo lahaa la bah dilo oo loo arko reer hebel waa musiibo.
7- Waddankoo aad Jeclaato/ wadaniyad: – Runtii waddankaaga wuxuu kaaga baahan yahay qadarin iyo inaad u danqato oo aad wax walboo wanaag ah aad la jeclaato, wixii xumaan ahna aad ka hortimaado. Marka aad dibadahan joogto waxyaalaha wanaagsan aad ku aragto ummadahan aad adiguna la jeclaato wadankaaga. Wadaniyadu waa shey qaali ah, waddamadan waxaa la gaaray muwaadiniintooda heer ay qabtaan haddii ay arkaan qof dariiqa wasakh ku tuuraya ama waxyeeleenaya bilicda magaaladooda. Haddaba adiga maxaa kuu diiday inaad noqoto sidaas oo kale. Runtii ummadba ummadda ay ka wadan jeceshahay wey ka horumar wanaagsan tahay. Sidoo kale wadaniyadu waxa ay kuu horseedeysa in aad mar walbaa hormariso waddankaaga oo arimaha kale oo dhan aad dib u dhigto illaa intaan diinta ka aheyn { Diintu iyadu waa muqadis oo wax walbaa iyadaa ka horeysa}. Sidoo kale wadaniyada waxaa ka mid ah inaad dalkaaga meel walboo ka mid ah aad isku si u jeclaato oo aadan kala fadilin, oo muwaadiniinta Soomaaliyeed aad isku si u wada aragto.
8- Libinta oo leysu ogolaado:- Sidoo kale walaalkaa markuu wanaag sameeyo ama wax wanaagsan la yimaado dheh oraahda islaamiga ah maashaa’allaah oo u muuji wanaag si uu horey ugu sii socdo. Sidoo kale si dadka waanaga sameeya ay u bataan ama horey loogu socdo dhiira gali dadka noocaas ah oo libintooda u ogoloow.
9- Isu tanaasulid: – Ummaddu waxa wanaagsan in ay mar walbaa isu tanaasusho oo ayan dhicin mindi mindi ku taag iyo mar walbaa aniga ayaa gar leh. Tanaasulka baddan bulshada horay ayuu u wadaa. Ogoow xitaa haddaad adigoo lagaa gardaran yahay haddii aad ka tanaasusho gartaada, si kale ayuu Allaah kuugu abaal gudayaa ee mar walbaa tanaasulka ku dadaal. Mar walbaa fiiri umadaha kuwooda tanaasulka badan wey ka horeeyaan umadaha kale, taasina waxa ay ku gaareen isxilqaamka iyo qadarinta ay mar walbaa muujiyaan.
Qeybtii 1aad intaas ayaan ku soo afmeerayaa waa inoo qeybta labaad iyo arimaha bulshooyinka la hara oo loo baahan yahay in ay ka tagaan. Lasoco qeybta 2aad iyo todobaadka danbe
Wabilaahi Toowfiiq
Cabdixakiim Jaamac Jooje
Social Development Adviser – Leicester UK
Somali Advice & Information Service – SOMINFOS
saicentadv@yahoo.com
============================
QORAAGA AYEY U GAAR TAHAY QORAALKAAN LOOMAMA FASIRAN KARO TAN RAXANREEB.COM CIDII RABTA IN AY SI GAAR AH MAQAAL AMA FIKRAD U SOO DIRTO RAXANREEB WAXAA LOOGU SOO HAGAAJIN KARTAA ADMIN@RAXANREEB.COM