Gaalkacyo[RBC Radio]Hay’adda Bisha Cas ayaa maantay gaarsiisey deegaanka Gacno-fale oo ka tirsan gobolka Mudug matoorka biyaha soosaara.
Ceel biyoodka deegaanka Gacmo-fale ee gobolka mudug oo maantey lagarsiyey motoor biyoodka ayaa waxaa ka dhacdey munaasabad ay gob joog ka ahaayen maamulka gobolka Mudug,masuuliyin ka socotey hay’adda Bisha Cas Soomaaliya.
Hay’adda Bisha Cas ayaa marka hore ku wareejisey matoor biyoodka guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigay “guddoomiyaha ay isna dhankisa ku wareejiyey matoor biyoodka Masuuliyiinta Ceelka Biyaha ee gacmo-fale.
Axmed Jaamac “Biriye”Gudoomiyaha Hay’ada Bisha Cas ee Soomaaliyeed qaybteeda gobolka Mudug oo hadalka hor qaatey ayaa sheegey in ay garteen in dadka deegaanka ay helan biyo ku filan islamarkana ay xiligaan soo garsiiyen ceelka mator biyood ka kaafin doona inay biyo ku filan helaan.
Guddoomiyaha gobolka Mudug Maxamed Yuusuf Jaamac “Tigay ” ayaa isna ka mahad matoor biyoodka ay xiligaan ku deeq dey hay’adda Bisha Cas waxaa uu intaa ku daray in matoor biyood kan uu ah mid ay ubahnaayen dadka deegaanka Gacno-fale waxana uu intaa guddoomiyuhu ku daray in uu si weyn ugu farax san yahay howsha ay garatey Bisha Cas taasi oo ah sidda uu sheegey mid xiligii loobanaa timid.
Eng Cumar Cabdille oo isagana madasha ku hadley afka dadka deegaanka Gacno-fale ayaa sheegey inay ka faa’iideysan doonan ceel biyoodkan islamarkana ay dhowri donan,waxana uu u mahadceliyay dhankisa hay’adda Bisha Cas.
Iimaan Maxamed Jaamac
RBC Radio
Xafiiska Gaalkacyo