Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

Ciidamada dowladda iyo kuwa Ethiopia oo deegaanno ka tirsan gobol Baay gacanta u dhigay

$
0
0
Ciidamada Soomaaliya iyo Ethiopia oo deegaanno cusub gobolka Baay qabsadey

Ciidamada Soomaaliya iyo Ethiopia oo deegaanno cusub gobolka Baay qabsadey

Baydhabo[RBC Radio]Ciidamada dowladda faderaalka ah ee Soomaaliya oo garab-sanaya kuwa Ethiopia,ayaa howlgallo ballaaran ka sameeyey sida ay sheegen saraakil u hadashey deegaanno ka tirsan gobolka Baay oo ay gacanta ku hayeen Al Shabaab.

Saraakishu waxaa ay sheegen in howlgallkoda ay ka sameeyeen deegaanno gaaraya illaa 30 kuwaaso hoostaga deegaanka Owdiinle ee gobolkaasi.

Gudoomiyaha degmada Awdiinle Maxamed Cabdi oo sigu dhinaciisa la hadlay warbaahinta afka dowladda ku hadasha waxaa uu sheegay in howlgallkaasi ay ciidamadu ku gaareen illaa Sodon Tuulo oo hoos yimaada degmadaasi, wuxuuna intaasi ku daray in dadkii ku sugna deegaannada ay maamulayeen Al Shabaab oo in xilligaan ay soo wajahdey baahi ay u qabaan gar-gaar bani’aadanimo.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in Dadka Ku Nool 33 Tuulo oo hoos timaada degmada Owdiinle ay iminka baahi weyn u qabaan dowladnimada, maadaama in ka badan 4 sanno ay ku sugaaneyn sida uu sheegay deegaannadoda Al Shabaab oo la dagaallama dowladda Soomaaliya.

Ugu danbentina waxaa uu soo hadal qaaday guddoomiyuhu inay qorsheynayaan inay sii wadda howlgallkoda ay xilligaan ka bilaaben gobolka.

_____
RBC Radio
Xafiiska Baydhabo

Use Facebook to Comment on this Post

FacebookTwitterGoogle+Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 20472

Latest Images

Trending Articles



Latest Images