Quantcast
Channel: Raxanreeb Online
Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Madaxweyne Xasan Sheekh Iyo Wasiirka Arrimaha Gudaha oo Siyaabo Kala Gooni ah uga Hadlay Weerarkii Ismiidaaminta Ee Maanta Ka Dhacay Muqdisho

$
0
0

Muqdisho (RBC) Madaxweynaha dawlada federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa si kulul uga hadlay weerarkii ismiidaaminta ahaa ee lala beegsaday kolonyo baabuur ah oo siday wafdi dawlada Qadar ka socday oo saarnaa baabuur uu leeyahay wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu horreyn cambaareeyay falka, wuxuuna sheegay in ay wax laga xumaado tahay in la beegsado dad magaalada u yimid inay gargaaraan shacabka Soomaaliyeed.

“In dadkii walaaleheen ahaa ee noogu yimid sidii shacabka u heli lahaayeen caafimaad iyo waxbarasho in gaarigooda lagu dgufto baabnuur miino la soo saaray waa arrin aan ka xunahay. Waxaa la rabaa inaan iska kaashano sidii kuwaas dhagar qabayaasha ee wadada la taagan qaraxa iyo miinada la isaga qaban lahaa.” ayuu yiri madaxweynaha.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa saxaafadda u sheegay inuusan jirin wax dhibaato ah oo soo gaaray wafdigii dawlada Qadar ee weerarka lagu qaaday, ayna joogaan hotelkooda iyagoo badqaba.

Weerarkan ayaa waxaa ku geeriyooday 11 ruux oo ay ku jirto hooyo Soomaaliyeed iyo ilme yar oo ay sidatay kuwaasoo iyagoo wadada maraya uu qaraxu haleelay. Dad gaaraya 20 kale ayaa la xaqiijiyey inay dhaawacmeen weerarkan ismiidaaminta ah oo ay masuuliyadiisu sheegatay kooxda Al Shabaab.

Wasiirka oo ka hadlay

Baabuurka gaarka ee wasiirka arrimaha gudaha oo wafdigu saarnaayeen ayaa qaraxa lala beegsaday. Sawirka Raxanreeb/ 05, May 2013.

Dhanka kale Wasiirka arrimaha gudaha iyo amniga qaranka Cabdikariin Xuseen Guuleed oo galabta booqday goobta qaraxu ka dhacay ayaa sheegay in tallaabo fuleynimo uu ahaa weerarkii maanta laghu qaaday wafdiga Qadar ee baabuurkiisa saarnaa.

“Insha Allaahu weerarara kooxaha nabaddiidkanagama hakin doonaan hawsha aan wadno, waxaana u aragnaa dhacdo caadi ah.” ayuu yiri wasiirka.

Wasiirka arrimaha gudaha oo la weydiiyey khasaaraha qaraxu geystay ayaa sheegay in hal askari oo ka mid ah ciidamada nabadsugida oo kolonyada la socday uu ku dhintay.

Wuxuu kaloo sheegay in weerarka maanta dhacay uu kamid ahaa tiro weeraro ah oo ay Al Shabaab isku dayday maalmihii la soo dhaafay balse laga fashiliyey sida uu sheegay.

Qaraxa maanta ka dhacay isgoyska KM4 ayaa waxaa uu ku soo beegmay iyadoo saaka qarax kale uu ka dhacay degmada Dayniile oo uu saaka booqday madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

HALKAN KA DAAWO SAWIRO QARAXYADA MAANTA

RBC Radio

Use Facebook to Comment on this Post

Share


Viewing all articles
Browse latest Browse all 19583

Trending Articles